Xeerarka iyo Shuruudaha Soogelinta Sawirka/Fiidiyowga iyo Soo Bandhigidda

A. Kuwa Guud

Kani waa heshiis sharci ahaan la fulin karo oo udhaxeeyo adiga Washington Department of Fish and Wildlife (Waaxda Kalluunka iyo Duur Joogta ee Washington, WDFW) oo maamulaysa soogelinta ama la wadaagista muuqaalada dhijitaalka ah oo ka kooban sawir(o) ama gudbinta lifaaqyada fiidiyow(yo) ee bandhig suuragal ah ay kusoo bandhigto WDFW iyo haysashada wixi sawir(o)/fiidiyow(yo) noocaan ah. WDFW waxa ay kusiineysaa fursada aad kusoo gelineyso muuqaaladaada dhigitaalka ah si ay usoo bandhigto WDFW. Soogelinta muuqaal kasta oo dhijitaal ah si loo soo bandhigo waa mid guud ahaan ikhtiyaari ah. Wax magdhow ah laguguma siin doono soogelinta sawirada dhijitaalka ah. Soogelinta sawirada ama muuqaalada dhijitaalka ah ee loo doorto in lasoo bandhigo waxaa laga yaabaa inuu arki karo isticmaale kaste ama dhammaan isticmaalayaasha iyo/ama dadka ay gaarayaan ee baraha WDFW. Adigoo soogalinaya sawirada ama muuqaalada dhijitaalka ah si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad oggolaaneysaa oo aad ku qasban tahay inaad u hoggaansato dhammaan xeerarka iyo shuruudaha heshiiskan iyo oggolaanshahaada soogelinta sawir ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah inuu ku xiran yahay Xeerarkaan iyo Shuruudahaan ee heshiiskaada.

B. Qeexitaanada

"Sawirada ama muuqaalada dhijitaalka ah" micnaheedu waxa uu yahay soogalinta muuqaalada iyo sawirada dhijitaalka ah ama la wadaagista lifaaqyada ee fiidiyowyada onlaynka ah.

"Heshiiska" micnihiisu waxa uu yahay Xeerarka iyo Shuruudaha guud ahaantooda. 

"Bandhiga" micnaheeda waxa ay tahay daabicidda, qeybinta, baahinta, gudbinta, dib usoo saaridda, ama haddii kale kadhigidda kuwo laga arki karo ama laga helo barkasta oo warbaahineed.

"Guddi" micnihiisu waxa uu yahay Washington Fish and Wildlife Commission.

"Miidiyaha" waxaa kamid ah laakiin aanan ku koobneyn, miidiyaha elektarooniga ah sida websaayt intarneedka ah, baraha wax lagu qoro, boodhka farriimaha, deegaanka isku xirka bulshada (oo uu kamid yahay Facebook), isgaarsiinta bulshada, iimayl, iyo isgaarsiinta kale ee ku shaqeeya elektarooniga, iyo miidiyaha nuqulada daabacan, sida buugaagta yaryarka ah, warbixinada, boostada, iyo wax kasta oo kale oo daabacan ama shay la daabacay ah.

"Soogalinta" micnaheeda waxay tahay ka raridda fayl sawir dhigitaal ah ama dhijitaal laga dhigay oo laga rarayo kumbiyuutar aad adiga isticmaaleyso oo loo rarayo kumbiyuutarka khadka saafarka oo ay u qoondeysay WDFW inay ku hesho sawirada lasoo galiyey ama kula wadaagista lifaaqyada waxyaabaha fiidiyowyada onlaynka ah.

"WDFW" micnaheeda waxay tahay Washington Department of Fish and Wildlife, hay'ad maamul oo uu leeyahay Gobolka Washington.

C. Da'daada iyo awoodda aad ku gali karto heshiis

Soogalinta sawir kasta ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad dammaanad qaadeysaa inaad ugu yaraan ay da'daadu tahay 18 sano ama haddii kale aad gali karto heshiis la fulin karo sida uu qabo xeerka Gobolka Washington. Haddii aad kayar tahay 18 sano, masoo galin kartid sawir ama muuqaal dhijitaal ah si ay usoo bandhigto WDFW. Waalidkaaga ama qofka masuulka kaa ah ayaa badalkaada kuusoo galin karo, waa haddii isaga ama iyada si shakhsi ah u aqbalo Xeerarkaan iyo Shuruudahaan. 

D. Lahaanshaha iyo/ama oggolaanshaha lagu isticmaalayo oo lagu soo bandhigayo sawiradi ama muuqaaladi lasoo galiyey

Soogalinta sawir kasta ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad dammaanad qaadeysaa inaad adiga leedahay xuquuqda sawirka ama muuqaalka dhijitaalka ee noocaan ah iyo/ama inaad heshay xuquuqda, in laguu xilsaaray, ama haddii kale inaad leedahay xuquuqda, ruqsada, iyo/ama oggolaanshaha lagu isticmaalo iyo/ama lagu soo bandhigo sawir kasta ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah ee noocaan ah. Waxaad sii dammaanad qaadeysaa in sharci ahaan laguu fasaxay oo laguugu oggolaaday inaad siiso WDFW ruqsada iyo oggolaanshaha lagu qeexay Hashiiskan iyo wixi kasta oo sawir ama muuqaal dhijitaal ah ee lasoo galiyo iyo shakhsi(yo) kasta oo lagu soo bandhigo sawirka ama muuqaalka dhijitaalka ee noocaan ah. Waxaad sii dammaanad qaadeysaa inaad tahay waalidka ama qofka masuulka ka ah ee sharciga ah ama aad oggolaansho kaheshay waalidka ama qofka masuulka ka ah ee sharciga ah ee carruurta la aqoonsan karo ee kujira sawirka.

E. Oggolaanshaha iyo ruqsada lagu soo bandhigayo oo lagu hagaajinayo/wax looga badalayo sawirada ama muuqaalada dhijitaalka ah ee lasoo galiyey iyo isticmaalka sawirka ama muuqaalka shakhsiyaad kasta ee kasoo muuqda sawir kasta ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah ee noocaan ah.

Soogalinta sawir kasta ama muuqaal kasta oo dhijitaal ah si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad u dammaanad qaadeysaa WDFW oggolaanshaha iyo ruqsada ay kusoo bandhigaan sawirada ama muuqaalada dhijitaalka ee noocaan ah iyadoo wax kharash ah laga qaadin WDFW ama magdhaw aysan adiga kusiinin WDFW ama cid kale. Waa inaad qirsanaataa in WDFW laga yaabo in sawir(o) noocaan ah ay ujeedooyin la xariiro suuqgeyn ama isgaarsiin ugu soo bandhigto miidiyaha ay leedahay, maamusho, ama ay aasaastay WDFW ama lagu sameeyey amarka WDFW.  Waxaad siineysaa WDFW oggolaanshaha iyo ruqsada lagu hagaajinayo/wax looga badalayo sawir(o) kasta oo noocaan ah marka WDFW ay u aragto in lagama maarmaan ay tahay oo ay ku habboon tahay, kaliya ikhtiyaarkeeda, iyo inay usoo bandhigto sawir(o) kasta oo noocaan ah iyagoo la hagaajiyey iyo/ama ay wax kabadashay WDFW. Hagaajintaiyo/ama wax kabadalidda waxaa kujiri kara, laakiin aanan ku koobneyn, wax kajaridda, dib u qaabeynta cabbirka, iyo dib hagaajinta qaabka ay u muuqdaan. Waxaad ka dhaafeysaa xuquuqda lagu eegayo ama haddii kale lagu baarayo iyo/ama lagu fasaxayo nooc kasta oo ah sawir(o) kasta oo lasoo galiyey kahor inta aanan lasoo bandhigin sawir(o) noocaan ah. Oggolaanshada lagu bixiyey baaragaraafkan waa mid xaddidneyn oo aan la wareejin karin, laakiin waa kuwo aanan xayirneyn, shuruudeysneyn, aanan xaddidneyn, adduunka oo dhan ah, laga laaban karin, oo joogto ah.

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad siineysaa WDFW oggolaanshaha iyo ruqsada lagu isticmaalayo oo lagu soo bandhigayo sawir(o) adiga ah, haddii aad kasoo dhex muuqato sawiro noocaan ah. Intaa waxaa dheer, waxaad damaanad qaadeysaa inaad soo heshay, laguu xilsaaray, ama haddii kale aad leedahay xuquuqda, oggolaanshaha, iyo awooda aad kusiineyso WDFW oggolaanshaha iyo ruqsada isticmaalka iyo soo bandhigidda sawir(o) midkasta iyo dhammaan shakhsiyaadka kale ee lagu soo bandhigo sawir(o) kasta oo noocaan ah adigoo wakiil ka ah shakhsi(yaadka) iyo inaad oggolaanshaha iyo ruqsada noocaan ah aad siineyso WDFW adigoo wakiil ka ah midkasta iyo dhammaan shakhsiyaadka noocaan ah. Waxaad sii damaanad qaadeysaa in sawir(o) kasta oo noocaan ah aysan soo bandhigeynin arrimo xadgudub ku ah sharciyo kasta ama xuquuqda gaarka ah, ama in soogalinta sawir(o) noocaan ah inaanan loo sameynin ujeedooyin lagu dhibayo, loogu cagajugleynayo, lagu ceebeynayo, loogu keenayo walaac, dareen soojiidasho aanan loo baahneyn, ama kalsooni darro loogu abuuro shakhsi kasta ama cid kasta.

F. Awooda WDFW u leedahay inay doorato sawirada lasoo galiyey si ay usoo bandhigto iyo inay haysato iyo inay iska tuurto sawirada lasoo galiyey; kasaarista Galariga sawir(o) lasoo galiyey markaad codsato

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad qireysaa in WDFW ay leedahay xuquuqda iyo awooda, kaliya ah ikhtiyaarkeeda, ay ku go'aamineyso in haddii, marka, iyo inta ay la'eg tahay muddada, lasoo bandhigayo sawir(o) kasta oo lasoo galiyo iyo inaadan lahayn xuquuqda ama dalbashada magdhaw marka loo eego go'aamada noocaan ah ee ay gaarto WDFW. Waxaad sii qireysaa in WDFW ay xaq uleedahay
inay sawir(o) kasta oo aad adiga soogalisay ay haysato muddo kasta oo ay dooneyso WDFW, kaliya ah ikhtiyaarkeeda, ay u aragto mid ah lagama maarmaan oo ku habboon, iyo in WDFW laga yaabo, kaliya ah ikhtiyaarkeeda, inay tuurto ama tirtirto sawir(o) kasta oo noocaan ah waqti kasta iyo iyada oo aan wax ogaysiis hore ah kusiinin adiga.

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad qireysaa in WDFW ay kugu raaci karto in laga saaro Galariga sawir(o) kasta marka aad adiga codsato, laakiin inaysan masuuliyad kasaarneyn WDFW inay sidaas sameyso oo sinnaba masuusliyad kuma lihid haddii ay sidaas sameyn waayaan.

G. WDFW masuul maka noqoneyso wixi sifo khaldan ama lagu guuldarreysto in si sax ah loo sifeeyo ee sawir(o) kasta oo lasoo galiyey

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad qireysaa in WDFW ay sameyn doonto iskudayo macquul ah si ay si sax ah u sifeyso sawir(o) kasta oo laguu soo galiyey marka lasoo bandhigayo, laakiin in WDFW aysan masuuliyad kasaarneyn inay si sax u sifeyso sawir(o) kasta oo laguu soo galiyey oo sinnaba masuul kama aha ku guuldarreysigeeda inay sifeyso sawir(o) kasta oo laguu soo galiyey ama sifeynteeda khaldan marka loo eego sawir(o) kasta oo lasoo galiyey.  

H. Faylasha lagasoo galiyo kumbiyuutarka waxa ay xor ka yihiin fayrasyada, cilladaha, iwm.

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad dammaanad qaadeysaa in fayl(asha) dhijitaalka ee lasoo galiyo inaysan kujirin fayras, cillad, ama farsamo kasta oo curyaamineysa ama waxyeeleyneysa oo waxyeeleyn karto iyo/ama curyaamin karto softiweerada ama qalabka WDFW ama adeegyadeeda ama xarumaheeda.

I. Isticmaalaha ma daneynayo asturnaanta ee sawir(o) kasta ee lasoo galiyey; sawir(o) noocaan ah ee ku xiran in lagu sii daayo Public Records Act (Xeerka Diiwaanka Dadweynaha)

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad qireysaa inaadan daneyneynin sawir(o) kasta ee lasoo galiyey iyo inaad sii qirsan tahay in sawir(o) kasta ee lasoo galiyey ay ku xiran yihiin in lagu sii daayo Public Records Act (Xeerka Diiwaanka Dadweynaha), Cutubka 42.56 RCW, haddii lasoo bandhigo iyo haddii kaleba. WDFW masuuliyad kama saarno inay ku ogeysiiso kahor siideynta sawir(o) kasta oo aad soogalisay iyadoo laga jawaabayo codsiga diiwaanka dadweynaha. 

J. WDFW masuul kama aha cilladaha farsamo ee la xariira ama ku lugta leh soogalinta sawir(o) kasta

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, ama isku dayidda soogalinta noocaan ah, waxaad qireysaa in WDFW aysan masuul ka ahayn ku guuldarreysiga sawir(o) kasta inay si fiican usoo galaan, ama lumitaanka sawir(o) kasta ama xog kale oo ku lunto hannaanka soogalinta dhexdiisa, ha ahaato mid kadhalatay farsamada qalabka ama guuldarreysiga softiweerka ee nooc kasta ah, khadka intarneedka oo xun ama aan laheli karin, ama soogalin guuldarreysatay, dhammeystirneyn, ama daahday, haddii uu sababay adiga ama qalabka iyo/ama softiweerka aad adiga leedahay ama aad gacanta kuhayso ama WDFW, ama wakiiladeeda ama kuwa qandaraaska kahaysta, ama qalabka iyo/ama ay gacanta kuhayso ama ay leedahay WDFW ama wakiiladeeda ama kuwa qandaraaska kahaysta.

K. Muranada

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad oggolaaneysaa in wixi muran ah oo la xariiro heshiiskan lagu dhageysan doono oo lagu go'aamin doono Maxkamada Sare ee Thurston County, Washington, oona lagu xallin doono si waafaqsan xeerka Gobolka Washington.

L. Kadhaafista midkasta iyo dhammaan sheegashooyinka la xariira soogalinta, keydinta, dayactirka, iyo/ama soo bandhigga sawir(o) kasta oo lasoo galiyey; WDFW masuul kama aha ficilada ay ku dhaqaaqaan darafyo saddexaad

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad kadhaafeysaa midkasta iyo dhammaan sheegashooyinka kadhanka ah Gobolka Washington, WDFW, Guddiga iyo Guddoomiyaasha oo kamid ah, iyo midkasta ee shaqaalaha ama wakiilada hadda joogo, kuwi hore, kuwa mustaqbalka ee Gobolka Washington, WDFW, ama Guddiga ee la xariira soogalinta, soo bandhigidda, haysashada, iyo/ama iska tuuridda ee sawir(o) kasta ee lasoo galiyey, ay kujiraan, laakiin aanan ku koobneyn, sheegashooyinka la xariira lumitaanka ama tirtirmashada ee sawir(o) kasta ee lasoo galiyey ama jebinta xuquuqda, weeraridda asturnaanta xogta, sharaf dilka, uqoondeynta aanan sharciga ahayn ee sawir kasta ama lamidka ah ee shakhsiga. Waxaad qireysaa in WDFW aysan masuul ka ahayn ficilada darafyo saddexaad ay geystaan ee la xariira sawir(o) kasta ee aad soogalisay, oo ay kujiraan dib usoo bandhigidda sawir(o) kasta oo noocaan ah oo lasoo galiyo barkasta ama qaabkasta. 

M. Magdhaw

Soogalinta sawir(o) kasta si ay usoo bandhigto WDFW, waxaad oggolaaneysaa inaad magdhabeyso oo aad qaandhabeyso Gobolka Washington, WDFW, Guddiga iyo Guddoomiyaasha Washington Fish and Wildlife oo ay kujiraan midkasta shaqaalaha, wakiilada, qandaraaslayaasha ee hadda jooga, kuwi hore, kuwa mustaqbalka, ee Gobolka Washington, WDFW, ama Guddiga wixi ficillo, sheegashooyin, masuuliyad, waxyeelo, qiimo, kharash ee kadhasha jabintaada wax kasta oo Heshiiskan ah.

N. Kadhaafista iyo kala madax banaanshaha

Ku guuldarreysi kasta oo lagu adkeysto ama la fuliyo shuruud kamid ah Heshiiska looma fasiran doono kadhaafista shuruud kasta oo Heshiiskan kamid ah. Haddii xeer ama shuruud kamid ah heshiiskan aanan la fulin karin sababtey rabto ha noqotee, qeybtaas waxaa loo arkayaa inay ka madax bannaan tahay oo inta kale ee soo hadhay ee heshiiska kamidka ah waxay ahaanayaan si buuxdo u shaqeynayo oo dhaqangashan.

O. Heshiiska oo Dhan

Heshiiskani wuxuu u taagan yahay heshiiska dhan ee udhaxeeya adiga iyo WDFW waxa uuna ka kooban yahay dhammaan qodobada iyo shuruudaha la isku raacay. Ma jiraan heshiisyo ama isfahanno kale, ha ahaadaan afka ama qoraal, oo khuseeya mawduuca Heshiiskan oo loo qaadan doono inay jiraan oo isku xiraya adiga iyo/ama WDFW.