Codso tarjumo ama fasiraad afka ah

Haddii Af-Ingiriisigu uusan ahayn luuqadaada koowaad, waxaad codsan kartaa tarjumaadda dokumentiyada qoraalka ah ama tarjumaadda afka ah ee luuqadaha aan Af-Ingiriisugu ahayn oo bilaash ah. DFW waxay adeegyadan u fidinaysaa oo keliya waxyaabaha ay leedahay ama ay abuurteen hay’adaheenna ama munaasabadaha aanu martigelino.

Fadlan codsigaaga u soo dir Xafiiskeennna Xuquuqda Madaniga adiga oo ku soo qoraya luuqadda aad doorbidayso kuna soo diraya email-ka: CivilRightsTeam@dfw.wa.gov ama telefoonka. 833-885-1012. Waxaan si farxad leh u bixinaynaa macluumaadka ku saabsan waxa aynu tarjumi karno.

Soo gudbi cabashada luuqad helidda ama xuquuqaha kale ee madaniga ah

Madaxa VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah wuxuu mamnuucayaa takoorka ku saleysan isirka, midabka ama asal ahaan qofka qaranka uu ka soo jeedo ee barnaamij ama waxqabad kasta ee hela maaliyadaha federaalka ama kaalmada maaliyadeed kale ee federaalka.

Haddii aad codsatay ama aadan helin adeegyo ku qoran luuqadda aad doorbidayso, ama haddii aad dareento Waaxda Kalluumeysiga iyo Duurjoogta in ay ku takoortay, fadlan Barnaamijka Xuquuqda Madaniga ah kala xiriir 833-885-1012.

Waxaad sidoo kale cabasho takoor u gudbin kartaa hay’adahan: